Axmed Madoobe oo hal arrin oo mugdi ku jirta u xaqiijiyey dadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhammaan madaxda dalka ay axdi ku galeen in mar kale aysan dib u dhicin doorashada dalka, waxa uuna sheegay in go’aanka uu yahay in doorashada ay dhacdo wakhtigeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in mudadii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ay arrintaasi kawada hadleen madaxda DFS iyo Siyaasiyiin daneyneysa doorashada, wuxuuna carab dhabay in go’aanka kama danbeysta ah ee la gaaray uu yahay in doorashada aysan u dib dhicin shaqsi gaar ah.

Guddiga doorashooyinka ayuu sheegay inay ku adkeeyen in mardanbe aysan ula imaan go’aan qeexaaya in dib loo dhigo doorashada, waxa uuna carab dhabay in axdiga lawada galay uu yahay in doorashada aysan wakhtigeeda dhaafin.

”Waan aaminsanahay inay jiraan dhaliilo balse waxaa lama dhaafaan noqotay in muddo laba bil ah lagu daro si ay dowladu ula imaado wax cad, ma filaayo in wax saameyn ah ay keenikarto laba bil oo la dib dhigo doorashada waxaase ballanqaadeynaa in doorashada ay dhici doonto wakhtigeeda”

Axmed Madoobe waxa uu cod dheer ku sheegay in dib u dhac kale aysan ka aqbali doonin madaxda ugu sareysa dalka waxa uuna codsaday in lala shaqeeyo dowlada si loo qabto doorasho fiican.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com