XOG: Cumar C/rashiid ma isku sharaxayaa madaxweyne mise?!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli shaki laga muujinayaa Musharaxnimada Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid oo dhawaanahaani laga hadal hayay guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Ra’isul wasaare Cumar oo dhowr jeer ay arrintaani wax ka weydiisa Saxaafada ayaa sheegay inuusan qaadan karin go’aan balse waxa uu yahay uu gadaal ka sheegi doono.

Sharmaarke waxa uu sheegay inaanu jirin sabab u diidi karta inuu isku soo taago xilka madaxtinimo ee Somalia, hayeeshee uu arrintaasi xiligeeda kala hadli doono saxaafada waa haddii uu yahay musharax la loolamaaya Madaxweynaha iminka talada dalka haya Xassan Sheekh.

Siyaasiyiinta u dhuun daloosha Siyaasadda dalka ayaa qudhooda siyaabo kala duwan shaki u galiyay Musharaxnimada Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Qaarkood waxa ay sheegen in Sharmaarke uu iminka Siyaasad la dheelaayo Madxaweynaha dalka si uu u ilaashado xilkiisa, halka qaarna ay qabaan inuusan aheyn Musharax.

Qaarka qaba in Sharmaarke uu yahay Musharax waxa ay hadalkooda u sababeeyen in Sharmaarke cabsida ugu badan ay ka heysato dhanka Xassan Sheekh oo haddii uu arrinkaasi maqlo jaanrogi kara Ra’isul wasaaraha.

Halka qaarka qaba in Sharmaarke uusan aheyn Musharax, ay sabab ka dhigeen in ilaa iyo iminka uusan shaacin musharaxnimadiisa taasina ay cadeyn u tahay inuusan ka qeybqaadan doonin doorashada fooda nagu soo heysa.

Tusaalaha ugu badan ayay ka dhigeen in iminka lagu jiro xiliga ololaha, sidaa darteedna uusan Sharmaarke u guda galin arrimaha la xiriira ololaha iminka sida hoose uga socda magaalada Muqdisho.

Lama saadaalin karo qorshaha Sharmaarke ee ku aadan musharaxnimadiisa, maadaama uu dhowr jeer dafiray inuu yahay musharax, waxaase suuraga ah in wakhti danbe uu kusoo biiri karo ololaha socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com