Goodax oo ka digay dhibaato ka iman karta qorshaha ay wado DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/laahi Goodax Bare oo kamid ah mudanayaasha BFS, ayaa nasiib darro ku sheegay in DFS ay awood ku maquuniso waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee ka biya diidan hanaanka loo maraayo dhisida maamulka loo sameynaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xildhibaan Goodax waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in marka hore la qanciyo dadka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee tabashada ka qaba qaabka loo yagleelaayo maamulka cusub.

Dhibaatooyin badan ayuu sheegay inay ka imaankarto haddii ay dowlada Somalia ku degdegto dhismaha maamulkaasi, waxa uuna cadeeyay in dhibaatooyinkaasi ay saameyn ku yeelankaraan labada Gobol ee maamulka loo sameynaayo.

Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dib loo dhigo maamulkan dhisidiisa ilaa iyo Waxgaradka labada dhinac ay go’aan ka soo gaarayaan.

Maamul wanaaga ayuu sheegay inay ku jirto Odayaasha labada Gobol oo isku calool fiyoow, haddii taasi la waayo ayuu sheegay inay imaankarto dhibaato intaa kasii baaxad weyn.

Dhinaca kale, DFS iyo IGAD ayuu sheegay inay ku jirto degdeg isla markaana loo baahan yahay in wax waliba lagu dhameeyo is afgarad dhexmara labada Gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com