Shirkii Muddada Sanadka ku dhow hakadka ku jiray oo maanta furmaya

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Jowhar dib looga furo shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo hakad ku jiray muddo ku dhow hal sano, kadib markii khilaaf uu ka dhashay qaabka loo maray dhismaha maamulkaasi.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay oo loogu jiro dib u furida shirkaasi, waxaana la filayaa iney tagaan xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ayaa dhawaan shaaciyay in maanta oo sabti ah shirkaasi uu dib kaga furmayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha DHexe, halkaasi oo ay taalay gogosha maamulkaasilagu dhisayo.

Beelaha kasoo jeeda Hiiraan gaar ahaan beesha Xawaadle ayaa si weyn u dhaliilsan shirkaasi ka furmaya magaalada Jowhar, waxaana shalay magalada Beledweyne ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo in shirkaasi dib Jowhar kaga furmo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in maanta oo sabti ah shirkaasi uu ka furmayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha DHexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com