Xog: Shariif Xasan oo qur’aan saar iyo fatwo siyaasadeed u tagay Mombasa, una wada CC

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo arbacadii yimid Nairobi ayaa usii gudbay magaala xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kula kulmay wadaad caan ka ah dalka Kenya oo madaxda u saadaaliya inay guulaysanayan iyo inkale marka ay doorashada timaado.

Wadaadka iyo xertiisa oo meel aan aad uga fogeyn Mombasa ku leh xarun lagu quraan saaro looguna fatwoodo siyaasiyiinta ayaa waxa uu Shariifka ka tala weydiiyay rajada uu ka qabi karo inuu u tartamo Madaxweynaha Soomaaliya bisha dambe iyo inuu ku adkeysto raadinta xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Shariif Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inuu halkaasi u kaxeeyo marka uu kasoo laabto ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo isaga laftiisa uu ku jiro hami ah inuu u tartamo madaxweynaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com