Oramada iyo Axmaarada oo billaabay dagaal nooc cusub ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka wada dibadbaxyada ka dhanka ah dowlada Ethiopia ee ka socda magaalooyinka ay degaan Oromada iyo Axmaarada, ayaa weerar ku qaaday goobo ganacsi oo ay lahaayen dadka shisheeyaha ee Gobolada labadaasi qowmiyadooda degaan ku ganacsada.

Shirkadaha Shisheeye oo ay weerareen dadka Oramada iyo Axmaarada, ayaa waxaa kamid ahaa shirkadda ay leedahay Dutchka.

Dadkaasi wada dibadbaxyada ayaa gubay beeraha ubaxa iyagoo beegsanaya ganacsatada xiriirka la leh dawladda ee Ajaanibta ah.

Goobaha kale oo ay gubeen dadka dibadbaxyada ayaa waxaa kamid ahaa goobo ganacsi oo la sheegay inay lahaayen shaqsiyaad Ajaanib ah kuwaasi oo iminka uu lasoo derisay walaac xoogan.

Dadkaani dibadbaxa dhigaaya ee kasoo kala jeeda labadaasi qowmiyadood ayaa iminka dowlada ka dalbanaya xuquuqda siyaasadeed iyo dhaqaale dheeraad ah, waxaana dalabkaasi ka caga jiideysa dowlada Ethiopia oo iyadu dooneysa in qowmiyadahaasi aysan helin awood Siyaasadeed maadaama ay yihiin kuwa ugu tiradabadan dalka.

Ciidamada Booliska dowlada Ethiopia ayaa si ganbasho la’aan ah u tooganaaya dadka wada dibadbaxyada, waxa ayna Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka dalbanayaan in la hakiyo xasuuqa lagu hayo labadaasi qowmiyadood.

Dowlada Ethiopia wey diiday in Hay’adahaasi ay wax faragalin ah ku sameeyaan arrinta la xiriirta xasuuqa ka socda Gobolada ay degaan Oromada iyo Axmaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com