Dil ama is-casilaad deg deg ah oo la hordhigay madaxweyne…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin lagu daabacay Wargeyska Sunday Times ee kasoo baxa dalka South Africa, ayaa waxaa lagu baahiyay in Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma uu xilka iska casilo ama uu wajaho dil.

Michael oo ah walaalka Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma, ayaa ku baaqay in Mr Jacob Zuma uu is garto isla markaana wakhti hore iska wareejiyo xilka ama naftiisa halis galiyo in la dilo.

Michael waxa uu sheegay in indhaha muwaadiniinta South Africa ay hayaan Jacob Zuma, sidaa darteedna uu ku talinaayo inuu iscasilo walaalkii.

Michael waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee uu walaalkii Jacob Zuma ugu diraayo dhambaalka ay tahay inay jiraan caqabado dhowr ah oo aan u saamaxeynin in xilka uu sii hayo.

Jacob Zuma, ayaa dhexda kaga jira fadeexooyin dhowr ah oo uu galay kuwaasi oo sababay kacdoonka lagu hayo Jacob Zuma.

Fadeexooyinka uu dhexda ka fadhiyo Jacob Zuma, ayaa waxaa kamid ah in boob uu u geystay hanti Qaran, isagoo Hantidaasi ka iibsaday guryo dhowr ah.

Dhinaca kale, Mr Bongani Ngqulunga oo ah Afhayeenka Madaxtooyada, oo wax laga weydiiyay arrintaani ayaa diiday inuu ka hadlo kadib markii uu sheegay in howlaha noocaani ah ay yihiin arrimo qoys oo aan taako uga banaaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com