Qorshaha laga leeyahay dib u dhacyada doorashada oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Guddiga doorashooyinka dalka ay mar labaad dib u dhigeen doorashada dalka, ayaa waxaa ujeedka dib u dhiga doorashada kashifay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax ”.

Goodax, waxa uu sheegay in dano gaara laga leeyahay in Guddiga doorashooyinka ay dib u dhacyo is xigxiga ku sameeyan doorashada Somalia, waxa uuna farta ku goday in loogu tallo galay in Musharaxiinta lacagahooda looga Khasaariyo.

Goodax, waxa uu sheegay in DFS ay awood u leedahay inay hirgaliso doorashada, hayeeshee aysan u nugleen inay horay u qaado tallaabo.

Goodax, waxa uu tilmaamay in ujeedka ugu weyn ee dib u dhaca doorashada uu yahay in musharaxiinta laga dhameeyo dhaqaalaha si xiliga doorashada ay nusqaan u noqoto dhaqaalihii lagu kala hari lahaa.

Xildhibaanku wax uu yiri ”Wey iska cadahay in laga soo horjeedo doorasho wakhtigeeda dhacda waxaa tusaale u ah xulista Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee muqdisho loo soo wareejiyay”

”Waxaa laga leeyahay dano fog waana qorsho ay Guddiga doorashooyinka u degeen Musharaxiinta oo lala sugaayo inta ay dhaqaalaha kaga dhamaanayaan ololaha”

Docda kale, Xildhibaan Goodax, waxa uu sidoo kale, sheegay in loo tashtay Musharaxiinta isla markaana la doonaayo in dhaqaalo bur bur lagu rido.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com