Dagaal uu dhiigbadan ku daatay oo goordhow ka dhacay magaalada Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhow ka dhacay dagaal aad u xoogan oo leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna dagaalkaasi yimid kadib markii lagu murmay Nabadoon Magaaladaasi lagu xiray sii deyntiisa.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ku dhawaad laba ruux, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray ku dhawaad Lix Askari.

Dhaawacyada iyo Meydadka ayaa waxaa inta uu dagaalka socday lagu guray Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha kala hogaamineysay Ciidamada uu dagaalka u dhexeeyay ayaa iminka laga baadi-goobayaa magaalada.

Xaalada ayaa iminka degan waxaana sidoo kale weli xiran Nabadoonkii uu dagaalka ka bilowday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com