Wariye Caan ah oo Caawa Muqdisho lagu dilay (Magaca)

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo hubeysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah wariyaasha ka shaqeeya Idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha la dilay oo si weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho ayaa kooxaha dilay waxay wateen mooto bajaaj sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Wariyaha la dilay oo lagu magacaabayay C/casiis Maxamed Cali Xaaji ayaa ka tirsanaa idaacadda Shabeele, wuxuuna ka mid ahaa wariyaasha sida weyn loo yaqaan.

Wariyaha ayaa lagu dilay meel aan ka dheeren xaafadiisa oo ka tirsan degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen Wariyaha, waxaana markii ay Dilka fuliyeen kadib ka baxsadeen goobta uu Dilka ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com