R/W CC oo si cad uga hor imaaday Go’aan ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka (Caqabad Cusub)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Go’aan kagaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh,Dhexe ay tahay mid u talla Dowladda Federaalka , Guddiga Doorashadda dad-banna looga bahan yahay uun in ay wada tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2da Gobol Hiiraan iyo Shebellaha dhexe Odayaasha 135, dabadeedna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natijada ka soo baxda wadatashiga ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee goballadaaar.

“Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe waa mid u talla Dowladda federaalka Soomaaliya “.

“ Waxaan u mahadcelinaya oo aan Bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016 , hayeeshee waxaan rabaa inan faro oo an u cadeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan Go’anadii lagu gaaray Madasha hogaamiyaasha Qaranka ,oo lagu cadeyey in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ku booriyey Guddiga doorashadda in ay wada tashi la yeshaan dhammaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira ggoboladda Hiiran iyo Sh. Dhexe 135 oday uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan , isla markaana ay Dowladda Federaalka u soo gudbiyaan natiijadda ka soo baxda wada tashigaas sidii horay loogu heshiiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com