Sawirro: Tahriibayaal careysan oo weerar ku qaaday Muqalas Soomaali ah oo dadka Silcin jiray

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dalka Liibiya ay ku dhaqan yihiin Kumanaan Soomaali ah oo dooneysa inay u socdaalan dalalka Yurubta ayaa waxaa safarada Badda iminka qeyb ka noqonaaya Muqalasiin Soomaali dhowr ah kuwaasi oo ku caanbaxay halaaga kumanaan muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasi oo Badda ku dhamaaday.

Qaar kamid ah Muhaajiriinta Soomaalida ee ka gudbay Badda, ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Muqalas Soomaaliyeed oo kamid ah kuwii la shaqeyn jiray Muqalaska weyn ee lagu magacaabo Magafe kaasi oo kasoo jeeda dalka Liibiya.

Dhalinyaradaani ayaa Muqalaska ku dhexqabtay magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga kaasi oo dhibaatooyin kala duwan u soo geeystay Soomaalida, waxaana la tilmaamay inuu kaalinta koowaad kaga jiray Muqalasiinta dhalinyarada Soomaalida ah ku silcin jiray Saxaraha.

Muqalaskaasi gacanta u galay Soomaalida ayaa waxaa lagu magacaaba Ismaaciil, waxaana xusid mudan in ugu danbeyntii gacanta loo galshay Ciidamada magaalada Milaano.

Dhalinyaro badan oo Ninkaan soo weerartay ayaa waxa ay sheegeen in uu ku soo silciyay gudaha dalka Liibiya ayna Maxkamad la kori doonaan .
magafe-1

magafe-2

magafe-3

magafe-4

magafe-5