Dagaal ballaaran oo goordhow laga cabsi qabo inuu ka dhaco degmada..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia, ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka ay Saakay ka taagan tahay colaado suuragalinkara Dagaalo uu dhiig ku daato.

Colaada xoogeeda ayaa la soo sheegayaa inay ka jirto degmada Caabudwaaq, taa oo ka dhalatay nin caan ah oo degmadaasi xalay lagu khaarijiyay.

Dilka xiisada uu ka dhashay ayaa waxaa geystay nin la sheegay inuu ku hubeysnaa qoray kaasi oo qaab aano u dilay ninka kale.

Beesha uu kasoo jeedo ninka la dilay ayaa sheegtay inay u aar gudi doonaan dilka ninkooda, waxa ayna tilmaamen in saacadaha soo socda ay lama huraan tahay in ninkooda lala aaso mid ay uga aargudayaan.

Saan-saanta Colaada ayaa Saakay ka taagan Degmada waxaana lasoo sheegayaa in labada Beel ay Hub uruursi kawadaan duleedka Degmada.

Sidoo kale, Maamulka iyo Saraakiisha degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan in degmada Caabudwaaq ay ka dhacaan dagaalo iyo dilal ku salaysan Aanooyin qabiil.

Docda kale, degmada Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal u muuqaal eg aanooyin qabiil kuwaasi oo qalqal amni darro ka geysta degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com