Xog: R/W CC Sharmaarke oo u kala dab-qaadaya Gaas iyo Galan

Boosaaso (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Cumar C/rashiid Cali oo weli kusugan deegaanada Puntland ayaa waxaa lasoo sheegayaa in iminka uu uguda galay xalinta khilaafaadka ka dhextaagan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa dadaal xoogan ku bixinaaya sida lagu soo afmeeri lahaa Colaad Siyaasadeedka u dhexeeya Gaas iyo Galan.

Sharmaarke ayaa xiriiro horudhac ah ka dhex sameeyay Gaas iyo Galan, waxaana lasoo sheegayaa in Seddexda mas’uul ay isku arki doonaan Deegaanka Carmo oo saldhig u ah Galan iyo Ciidamo isaga u gaar ah.

Socdaalka Sharmaarke ee deegaanada Puntland ayaa qeyb ka ahaa xalinta Khilaafka Gaas iyo Galan, waxaana la sheegayaa in dalabka xalinta khilaafka uu ka imaaday dhanka C/wali Gaas.

Mr Galan oo horay u ahaan jiray Guddoomiyihii Gobolka Bari, ayaa aad kaga soo horjeeda Siyaasada C/wali Gaas, waxa uuna goor hore shaaca ka qaaday inuu dhulka dhigi doono daaraha uu magaalada Garoowe kaga harsado C/wali.

Sharmaarke ayaa lagu wadaa in deegaanada Puntland uu kasoo dhammaan doono xalinta khilaafka kadib, waxa uuna sidoo kale Sharmaarke halkaasi kawadaa ololo xoogan.

Dhinaca kale, C/wali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Mr Galan, ayaa si hordhac ah uga wada hadlay qadka Telefoonka, iyagoo ku balamay kulan is arag ah.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com