Keating oo arrimo ka dhalan karta dib u dhacyada doorashada u gudbiyay QM

New York (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyay dib u dhacyada doorashada.

Mechael Keating, ayaa Qaramada Midoobay u sheegay in dib u dhacyada doorashada ay sabab u noqon karaan labo arimood.

Labada arin ayuu ku kala sheegay iney yihiin in geedi socodka uu yahay mid qaab siyaasadeysan loo maamulay iyo in dib u dhaca sabab u yahay dib u dhacyadii kale ee horey u dhacay.

“Dib u dhaca hadda yimid wuxuu keenayaa cabsi badan, aan labo ka magacaabo, in geeddi socodkan uu yahay mid qaabsiyaasadeysan loo maamulay iyo in dib u dhacan uu yahay mid ka mid ah dib u dhacyo is xig-xigay oo horay u dhacay”

“In la sii wado qaabkii ay u dhici lahayd doorasho si cad oo la wada arki karo u dhacda lagana faa’iideysto waqtiga dheeriga ah ee la haysto.” Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya.

Walaaca kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa horey u muujiyay siyaasiyiin badan oo ku sugan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska USA
Caasimada@live.com