Jeneral Morgan oo siyaasadda ku soo laabanaya iyo xil cusub oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan) oo ah sarkaal ciidan oo muran badan ka taagan yahay doorkiisii dowladii milateriga iyo jabhadihii dalka ka kacay ayaa dib ugu soo laabanaya siyaasadda.

Jeneraalka oo muddooyinkan danbe ku sugnaa degaanada Puntland ayaa qalqaalo u galay sidii uu uga mid noqon lahaa Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya iyadoo taasi taageero uga helay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Jeneraal Maxamed Siciid Xersi (Moorgan) uu noqon doono xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeneral MorganJen. Moorgan ayaa kaalintiisii ciidamadii dowladii milateriga ahayd lagu eedeeyaa inuu tacadiyo ka geystay degaanada Waqooyi Galbeed ee Somaliland, waxaana xigay inuu hogaamiye ka ahaa jabhad qabsatay degaanada Jubbooyinka bartamihii sagaashameeyadii.

Dib ugu soo laabashada siyaasadda Soomaaliya ee Jen. Morgan ayaa noqon doonta weji cusub oo uu yeelan doono aqalka sare ee Baarlamaanka oo dadka lagu qoray ilaa iminka ay yihiin saraakiil iyo siyaasiyiin hore.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com