Arrin cusub: Xeer ilaaliyaha Kenya oo sheegay hadal mar kale shaki cusub dhaliyey

Nairobi (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha guud Qaranka Kenya, Githu Muigai, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay rumeysan tahay inay heli doonto xuquuqda ay ku leedahya Badda qeybta uu muranka badan ka taagan yahay.

Githu Muigai, waxa uu sheegay in dowlada Kenya aysan waxba u arag dacwada Maxkamadda ICJ, waxa uuna farta ku goday inay baadi-goobayaan qaabka ugu sahlan oo ay ku heli lahaayen qeybta Badda.

Githu Muigai, waxa uu sheegay in Kenya aysan joojin dooni la tacaamulida Dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay in ujeedkooda uu weli yahay mid ku saleysan wadahadal oo ay la furaan Somalia.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu gaashaanka ku dhuftay inay raadinayaan xal lagu badbaadin karo waxa uu ugu yeeray helida xuquuqdooda Badda, waxa uuna carab dhabay inay la fadhiisan doonaan madaxda ugu sareysa si xal looga gaaro muranka aan weli natiijada laga soo saarin.

Sidoo kale, Mr Githu Muigai, waxa uu tilmaamay in isaga iyo madaxda ka sareysa ay isla qaaten in wadahadal degdeg ah ay la furaan Somalia, ka hor inta aan natiijo laga soo saarin Dacwada.

Haddalka Githu Muigai oo ah Xeer ilaaliyaha Qaranka Kenya ayaa u muuqanaayo inay jiraan is fahan la’aan weli ka dhex oogan Somalia iyo Kenya, iyadoo aan la ogeyn waxa dhicikara mar haddii la wada gaaro xal hoosaad.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com