Sawirro cajiib ah: Ma dadka shiinaha u dhashay ayaa waalan misna anaga ayaa qalafsan

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka kasoo jeeda dalka Shiinaha ayaa lasoo baxay qaabab cusub oo ay u isticmaalan Moobiladooda, kadib markii laga sameeyay daraasad lagu ogaanayo sababta isticmaalkooda ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Dadkaani ayaa Moobilka u isticmaala sida Kaamiradaha waxa ayna caado u leeyihiin xitaa xiliyada ku hadalka inay is hordhigaan Moobilka si qof laga duubaayo muuqaal.

Moobilada ayay sidoo kale u isticmaalan sida Canug yar waxa ayna ugu labisaan dhar yar oo qafiif ah, kuwaasi oo u muuqaal eg jiniga.

Waxa ay dhammaantooda ka siman yihiin oo uu adduun weynaha la yaaban yahay in xiliyada ay ku hadlayaan Moobilka aysan badi dhagta saaran, balse ay u isticmaalan Samiicadaha dhagaha iyo Usha loo adeegsado Moobilka xiliyada leyska qaadaayo Sawirada.

Dadku waxa ay isweydiinayaan in dhaqankaani ka jira dalka Shiinaha uu yahay mid cusub oo hadda faafaaya, ama inuu yahay mid iyaga u gaar ah oo muujinaaya waalidooda.

Su’aashu waxa ay tahay ma shucuubta Shiinaha ayaa waalan misna anaga ayaa waalan.
1

2

3

4

5

6

7

7

8

9

10

11

12

13

14