XOg: Baaritaan lagu hayo akoonada labada mas’uul ee ugu sareysa Bankiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxtooyada Somalia ay ku dhagan tahay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga, Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh lii gudbiyay warqado lagu muujinaayo inay jiraan dhaqaale mar kale laga saaray Bankiga taasi oo aan ilaa iyo iminka loo soo bandhigan Saxaafada.

Madaxweyne Xassan oo warqadahaasi ka duulaaya ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in baaritaano khaas ah lagu sameeyo Guddoomiyaha Bankiga iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo culeyska ugu badan la saarayo akoonada ay isticmaalan.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Baaritaanka uu amray Xassan Sheekh loo xil saaray shaqsiyaad ka tirsan Madaxtooyada Somalia, kuwaasi oo khibrad u leh dhanka dhaqaalaha.

Waxa ay intaa kusii dareysaa xogta in Madaxweynaha uu dib usoo faagay kiiska dhaqaalihii muddo laba jeer oo sii horeysay laga saaray Bankiga Dhexe iyo Xafiiska Bankiga ee ku yaalla Dekadda.

Sidoo kale, baaritaankaani ayaa saameyn ku yeelan doono tirro mas’uuliyiin ah oo ka tirsan Bankiga kuwaasi oo qeyb ka ah warqada loo gudbiyay Madaxweynaha.

Mas’uuliyiinta Bankiga Dhexe ayaa xiliyada kala guurka ah ka faa’iideysta hantida Qaranka ee ku jirta Qasnada Dowlada.
Lama oga natiijooyinka kasoo bixikara baaritaanada uu amray Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com