“Waxaa leygu yiri looma ooyan ayaa tahay ee kala dooro dil ama qirasho xatooyo” (Fadeexada Bankiga dhexe)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya xogo dheeraad ah oo ku aadan qaabka dhaqaalaha looga xaday Xafiiska Bankiga Dhexe ee ku yaalla Dekadda weyn magaalada Muqdisho.

Lacagtaasi laxaday oo dhameyd $204,000, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu xaday Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley), oo ah Agaasimaha Bankiga u qaabilsan Xafiiska Dekadda ku yaalla.

Amiin C/qaadir Amiin oo ah shaqsiga lagu nabay lacagtaasi ayaa cadeymo muuqda u keenay in lacagtaasi uu xaday Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley), isla markaana ku iibsaday Gurri.

Amiin C/qaadir Amiin, waxa uu sheegay in lacagtaasi la xaday darteed loo mariyay dhibaato farabadan isla markaana lagula kacay Hanjabaado iyo in lagu khasbay inuu sheegto lacagta la xaday.

Amiin C/qaadir Amiin oo ka warbixinaayay qaabka loo xaday lacagta ayaa waxa uu yiri ”Waxaa dhacday in qasnadii aan ku shaqeynaayay ay ku imaado cilad oo ay furmi weyso, waxaan mas’uulka iga sareeya u dhiibay lacagtii aan hayay si aan u sameyno qasnadii lagu shubi lahaa lacagta oo ciladeysneyd, waxa uu agaasimaha iga sareeyay ee lacagta qaatay bilaabay inuu marmarsiyo sameeyo, waxa uu ii sheegay inuu isticmaalay lacagta isla markaana uu qeybqeyb u bixinaayo waxa uuna lacagtaasi ku dhistay guri”

”Kis kis yar ayuu iigu soo celiyay qaar kamid ah lacagtii, waxaa ku hartay lacag dhan 48,000$, waxa uuna inkiray lacagta ku maqan, waxaa leygu xiray oo leygu garaacay xarunta CID, waxaana leygu qasbay inaan sheegto lacagta la xaday”

”Waxaa madaxa la ii galiyay fuusto biyo ah, waxaa leygu garaacay qoray, waxaana leyguugu hanjabay in la i dilaayo, waayo waxaan kasoo jeeda Beel looma ooyaan ah oo cidna iima aysan hiilin dhibta la igu hayo”

”Dhowr bil kadib markii aan xirnaa waxaa ii suuragashay inaan qaato rafcaan, ma helin cadaalad waayo waxaa leyguugu goodiyay in la idili doono, ilaa hadda caruurteyda ayaan ka maqanahay waxaana galay duurka”

Amiin C/qaadir Amiin oo ah ninka dusha laga saaray lacagta laga xaday Xafiiska Bankiga Dhexe ee Dekadda Muqdisho, ayaa sheegay in lacagtaasi uu xaday Agaasimaha Xafiiska Bankiga ee Dekadda oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley).

Amiin C/qaadir Amiin ayaa ahaa Khasnajiga Bankiga ee Dekadda, waxa uuna sheegay in lagu wargaliyay inuu yahay looma ooyaan isla markaana looga baahan yahay keliya inuu kala doorto dil ama qirashada lacagtaasi la xaday.

Agaasimaha xaday lacagtaasi oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley), ayaa sidoo kale lacagtaasi ku iibsaday guri waxa uuna inta soo hartay ku dhistay Gurigaasi.

Maamulka Dowlada Somalia ayaa gacanta ugu jira shaqsiyaad ku bahoobay cadaalad daro iyo xadgudub sida laga dheehankaro wareysi uu bixiyay Amiin C/qaadir Amiin oo ah ninka looma ooyaanka lagu sheegay ee lacagtaasi dusha laga saaray.

Lacagta uu xaday Agaasime Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley), ayaa gaareysay $204,000, waxaana markii ugu danbeysay lagu lahaa lacag dhan 48,000$.

Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde oo ah meelaha ugu miisaaniyada badan ayaa waxaa ka howlgala Shaqsiyaad heerkii ugu sareeyay ka gaaray Qabyaalada iyo eexda, kuwaasi oo ka goos heysta mas’uuliyiin ku heeb ah oo ka tirsan dowlada.

Docda kale, Amiin C/qaadir Amiin waxa uu Dowlada Somalia ee iyadu xilka u dhiibatay Agaasimaha xatooyada ku kacay ee lagu magacaabo Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley), ugu baaqay in lasoo taago sharciga waa haddii Somalia ay ka jirto cadaalad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com