Xog: Xasan oo u caga jugleeyay Ugaaska Beesha Xawaadle

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ay wadahadleen Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Xassan Sheekh ayaa la sheegay in Ugaaska uu ugu baaqay inuu qaato xalka ay wado dowlada Somalia, haddii aysan taasi dhicina aysan heli doonin waxa ay raadinayaan.

Xassan ayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif u sheegay inaanu jirin cid isaga ka amar weyn, sidaa darteedna looga baahan yahay inuu u hogaansamo Nabadda iyo rabitaanka ay dowlada si meesha looga saaro kala aragti duwanaanshiyaha taagan.

Sidoo kale, Xassan Sheekh ayaa la tilmaamay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ku wargaliyay inaanu waxba u qaban karin Xubnaha caalamka ka jooga Somalia, sidaa darteed ay mudan tahay in isaga oo wiilkooda ah ay wax la qaada dhigaan.

Xassan waxaa la sheegay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ku wargaliyay inaanu haba yaraatee waxba u qabankarin Wakiilada Beesha Caalamka iyo kuwa IGAD balse ay mudan tahay in wixii jira ay dhexdooda xalistaan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa isna diiday inuu qaato tallada Xassan Sheekh, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inaanu Hiiraan laga hirgalin doonin habayaraatee maamul ay lug ku leedahay DFS.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa uu sidoo kale wacad ku maray inuu hirgalin doono rabitaanka Odayaasha Hiiraan isagoo aan meel kasoo qaadi doonin haddalkiisa.

Dhinaca kale, wadahadalada aan joogsiga laheyn ee dhexmara Xassan Sheekh iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa mar waliba biyo dhiciisa noqda fashil, waxaana sabab looga dhigay in Ugaaska uu ka goosa-heysto dadka dega Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com