Xog: Muran ka taagan socdaal masayr ah oo Xasan uu rabo inuu Baydhaba ku tago

Baydhaba (Caasimada Online) – Muran xooggan ayaa ka taagan socdaal maser ama hinaase ku saleysan oo madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu doonayo inuu ka tago magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in socdaalka madaxweynaha uu yahay mid ka dhashay socdaalkii uu toddobaadkii tagay Baydhaba ku tagay musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo si aan horey loo arag loogu soo dhoweeyey magaalada.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu aad uga xummaaday socdaalkaas, islamarkaana uu dareemayo halis xooggan oo kaga imaneysa Jabriil oo si aan caadi ahayn u kasbaday bulshada maamulka Koonfur Galbeed.

Xasan ayaa la sheegay in markii uu arkay sida Jabriil loo soo dhoweeyey uu la xiriiray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan kana codsady inuu socdaal deg deg ah ku tago Baydhaba, hase yeeshee Shariif Xsan ayaa ku gacan seeray sababo amni dartood.

Ilo-wareedyo ku dhow Shariifka ayaa Caasimada Online u sheegay inuu Xasan Sheekh u sheegay inuu u baahan yahay waqti aad u dheer, oo ugu yaraan laba toddobaad ah oo loogu diyaar garoobo imaanshihiisa.

Waxaa sidoo kale jirta in siyaasiyiinta maamulka Koonfur Galbeed kasoo jeeda ay diidan yihiin socdaalka Xasan, ayaga oo ku eedeeyey inuu dhulka la galay dadka gobolladaas afartii sano ee uu madaxweynaha ahaa.

Culeeska Shariif Xasan ayaa waxaa sii kordhiyey markii ay qaar ka mid ah haweenka Baydhaba ku hanjabeen inay taayaro gubayaan jidadkana xiri doonaan, haddii Xasan uu Baydhaba kasoo dego.

Xasan ayaa sida aan xogta ku helnay kireystay hotel ku yaalla Baydhaba, wuxuuna Shariifka u sheegay inuu la imanaya ciidamo amnigiisa suga, maadaama Shariifka uu diiday inuu deg deg ku qaabilo.

Arrintan ayaa aad uga yaabisay Shariifka, sida dad ku dhow ay sheegeen, asaga oo la yaaban sababta Xasan Sheekh uu uga walaacsan yahay socdaalka Jabriil ee Baydhaba.

Si kastaba, walaaca ugu weyn ee Xasan ayaa waxaa qeyb ka ah markii qaar ka mid ah xildhibaanno ku dhowaa Xasan, ay ka mid noqdeen taageerayaasha Jabriil, taasi oo xaaladda kusii xumeysay.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalkan qasabka ah ee Xasan uu ku tagayo Baydhaba uu dhici doono maanta ama berri.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u arka musharax halis xooggan ku ah dib u doorashadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com