C/Weli Gaas oo war yaab leh ka soo saaray doorashooyinka 2016-ka

Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan caasimadaha Gobolada dalka ay ka socdaan u diyaar garowga doorashooyinka lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo kan Aqalka Sare ee dalka, ayaa waxaa tan Puntland ka warbixiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

C/wali Gaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay iminka u diyaar garooben qabashada doorashooyinka labada Aqal dalka ee la filayo in ay ka dhacaan deegaanada maamulka Puntland.

Gaas waxa uu sheegay in mas’uuliyad dheeri ah ay dusha saarteen, waxa uuna ballanqaaday in maamulkiisa uu si sax ah u hirgalin doono qorshaha lagu dooranaayo labada Aqal.

Gaas, waxa uu sheegay in ay socdaan shirar gaar gaar ah oo horudhac u ah shirarka la xiriira doorashooyinka ee ka dhacaya deegaanada Puntland, waxa uuna tilmaamay in shirarkaasi ay xal u yihiin doorashooyinka.

Gaas, waxa uu sidoo kale, carab dhabay in iminka ay diyaariyeen dhammaan goobihii ay ka dhici lahaayeen doorashooyinka.

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya xili maalinimadii shalay uu Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Somalia.

W/Q: Hoodo Mohamed Abdi

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com