Puntland oo la hordhigay in ay laba kala doorato kadib oo duqeyntii Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Ducaale Geele oo loo yaqaan xildhibaan Xaaf ayaa si adag kaga hadlay duqeyntii dhawaan ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan ayaa hordhigay masuuliyiinta Puntland iney magdhow iyo raali gelin ka bixiyaan duqeyntii dhawaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in haddii Puntland aysan bixin magdhowga dadkii duqeynta ku dhintay iney qaadi doonto masuuliyada amni daradii ka dhacdaa magaalada Gaalkacyo.

“Arinta waa inaad sida ugu dhaqsida badan uga soo laabataan oo aad magdhaw bixisaan, hadii arintaasi la waayo waxaad masuul ka noqonaysaan, waxkasta oo nabad daro ah ama dhibaato ah ama xasaasiyad ah oo meeshaasi ka dhaca masuul ayaad ka noqonaysaan”ayuu yiri xildhibaanka.

“waan ogahay dad badan oo reer Puntland inaysan jecleyn wixii dhacay, laakiin qofka hadii uu aamuso macnaheeda waxa weeye wixii dhacay inuu raali ka yahay.”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa sababtay dhimashada askar ka tirsanaa ciidamada Galmudug iyadoo dhaawaca askartii kale la keenay magaalada Muqdisho.

W/Q: Hoodo Mohamed Abdi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com