Fadeexad Cusub oo kasoo ifbaxday Shirka Jowhar & DFS oo laga fashiliyay qorsho ay damacsaneyd

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Xubnaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ka jooga magaalada Jowhar oo uu ka socdo shirka maamulka loogu sameynaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay bilaaben inay fashiliyaan shirka oo heer gabagabo maraayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xubnahaasi ay isku dayeen in Ergada ka baxday shirka ay ku bedelaan Ergo cusub oo banaan joog ka ah Shirka kuwaasi oo ay dowlada Federaalka banaanka kusoo diyaarsatay.

Xubnaha Wasaarada uga wakiilka ah Shirka Jowhar ayaa Liiska Ergada ka saaray inkabadan 130 Ergo, kuwaasi oo qaarkood carro uga baxay shirka, waxaana la sheegayaa in qorshahaani lagu indha sarcaadinaayo dadka ay kasoo horjeesteen Wakiilada IGAD ka jooga shirka.

Wakiilada IGAD ee ku sugan magaalada Jowhar oo la gaarsiiyay dacwadaasi ayaa la sheegayaa inay laaleen qorshaha ay wateen Xubnaha Wasaarada ka jooga shirka, waxa ayna ka hor imaaden in shirka oo gabagabo maraaya lagu soo biiriyo ergo cusub oo aan xaalada la socon.

Wakiilada IGAD ayaa sidoo kale la sheegay inay ka bixi doonaan magaalada Jowhar, haddii faragalin lagu sameeyo Liiska Ergada misna Ergada shirka ka baxday lagu soo bedelo Ergo cusub.

Ergada cusub oo ay gadaal ku wataan Xubnaha Wasaarada ka jooga Shirka Jowhar ayaa la sheegayaa in laga leeyahay dano gaar ah, iyadoo ujeedka ugu weyn lagu sheegay in lagu fashilinaayo shirka, si mar kale uu dib u dhac ugu imaado doorashada 2016-ka.

Dhinaca kale, Xubnaha Wasaarada ayaa soo jeediyay in Ergada maqan aan dib loogu soo celin shirka waxaana mar kale arrinkaasi ka hor imaaday Wakiilada IGAD ka jooga shirka Jowhar.

Lama oga halka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha ku hogaamineyso shirka, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Xubnaha Wasaarada ka jooga Jowhar ay yihiin kuwo aan habayaraatee khibrad u laheyn howlahaasi loo igmaday.

W/Q: Hoodo Mohamed Abdi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com