XOG: Ugaaska Xawaadle oo diiday Boorso lacag ah oo lagu marin habaabin lahaa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay qaati ka taagan tahay ad adeega uu muujinaayo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas khaliif.

Wararku waxa ay sheegayaan in xal u helida kacdoonka Siyaasadeed uu wado Ugaaska gaaray heer Dowlada Somalia ay Ugaaska u adeegsato dhaqaale la sheegay in lagu qaboojinaayay Ugaas Xasan Ugaas khaliif hayeeshee uu ka hor imaaday inuu qaato dhaqaale, sida aan xogta ku heleyno.

Mid kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan si dhowna ula shaqeeya Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa xaqiijiyay in Ugaaska loo soo dhiibay dhaqaale dhan 10,000 ilaa 15,000$, taa oo ku jirtay Bashqad, balse uu Ugaas Xasan Ugaas khaliif ka biya diiday inuu qaato dhaqaalahaasi.

Ugaas Xasan Ugaas khaliif, ayaa taa bedelkeeda Madaxtooyada Somalia ku wargaliyay inaanu qaadan doonin dhaqaale lagu marin habaabinaayo shacabka Hiiraan, waxa uuna farta ku goday inuu ku taagnaan doono mowqifkiisa ku aadan qaadacida shirka Jowhar iyo wixii kasoo baxa.

Dowlada Somalia min Xafiiska Madaxweynaha, labada Gole ilaa iyo Siyaasiyiinta ka madaxbanaan dowlada ayaa ku fashilmay in Ugaas Xasan Ugaas khaliif ka dhaadhiciyaan inuu ka hor wareego maamulka loo dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale, Ugaas Xasan Ugaas khaliif ayaa horay u diiday inuu ka tanaasulo hadafkiisa ku aadan ka hor imaanshiyaha shirka Hiiraan, waxa uuna inta badan yahay mid ku tashta awooda shacabka Hiiraan.

Ma cadda sida ay dowlada Somalia garabka Ugaas Xasan Ugaas khaliif ee ku dhaqan magaalada Beledweyne uga dhaadhicin laheyd ku biirista shirka Jowhar.

W/Q: Hoodo Mohamed Abdi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com