Hogaamiyaha DAACISH oo loo sumeeyay Raashiin uu cunaayay (Maxaa dhacay kadibna)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta caalamka ayaa goordhow baahiyay warbixin sheegeysa in la sumeeyay Hoggaamiyaha Kooxda Daacish Ibraahim Al-samraay (Abu Bakar Al-baqdaadi).

Al-baqdaadi, ayaa la sheegay in lala sumeeyay ilaa Afar Sargaal oo isaga si dhow ula shaqeeya, kuwaasi oo raashiinka loogu daray sun.
Al-baqdaadi iyo Saraakiisha lala sumeeyay ayaa la sheegay in xiligaasi sunta loo mariyay Qado ay cunayeen, sida lagu daabacay warbixin kusoo baxday Wakaaladda Wararka ”Iraqi Media News Agency”.

Hogaamiyaha iyo Saraakiisha lala sumeeyay ayaa iminka la sheegay in lagu dabiibaayo Xarun Caafimaad oo ay leedahay Kooxda inkastoo ilo wareedka ay Wakaalada Iraan kasoo xigatay warkaasi aysan sheegin halka uu Isbitaalka ku yaallo.

Xaaladda Al-baqdaadi iyo laba kamid ah Saraakiisha lala sumeeyay ayaa la sheegayaa in laga deyrinaayo, waxaana lasoo warinayaa in shaqsiga sumeeyay Hogaamiye Al-baqdaadi uu ahaa ninka sida gaarka ah Raashiinka ugu karin jiray.

Kuuka Al-baqdaadi iyo Saraakiishaasi sumeeyay ayaa la sheegayaa in lagu howlan yahay sidii loogu soo gacan galin lahaa Kooxda Daacish.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Kooxda Daacish kaasi oo muujinaaya Sumeynta Al-baqdaadi iyo Saraakiisha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com