Rasaas xoogan oo laga maqlaayo magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Rasaas xoogan ayaa waxaa laga maqlayaa duleedka Koonfureed ee Kaantaroolka Koonfurta Gaalkacyo.

Rasaasta ayaa la sheegayaa inay is weydaarsanayaan laba ciidan kuwaasi oo aan la garaneynin dhinacyada ay kala taabacsan yihiin.

Rasaasta qaar ayaa la sheegayaa inay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa halka ay rasaastu ka socto.

Dadka deegaanka ayaa ku jahwareersan rasaasta waxa ayna ka cabsi qabaan in rasaasta socta uu dagaal isku bedelo.

Saraakiil iyo Ciidamo dhowr ah ayaa ku baxay halka ay rasaastu ka socto, waxaana leysku dayayaa in la qaboojiyo rasaasta.

Ma jirto ilaa iyo hadda khasaaro rasmi ah oo laga soo sheegayo rasaasta ka socta duleedka Koonfureed ee Kaantaroolka Koonfurta Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com