Cumar Dhagey oo halis ugu jira in xilka laga qaado iyo Xasan oo…

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay ka biyo diidan yihiin in Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) uu kusii shaqeeyo xilkaasi Guddoomiyenimo.

Wararku waxa ay sheegayaan in wakiiladu ay soo jeediyeen in xilka laga qaado Guddoomiyaha oo isagu lagu eedeeyay u kala eexashada Musharaxiinta iyo in Madaxweyne Xassan Sheekh uu usii dheyreenayo wakhtiga.

Wakiiladu waxa ay Madxaweyne Xassan Sheekh ka dalbadeen in Cumar Dhagey laga qaado xilka isla markaana howsha uusii wado mid kamid ah ku-xigeenadiisa si looga fogaado eed iyo muran wakhti danbe imaada.

Wakiiladu waxa ay Cumar Dhagey ku eedeeyen inuu yahay shaqsi u janjeera dhanka Xassan Sheekh oo aan guul ka keeni karin doorashada waxa ayna sidoo kale ku dhaliileen inuu ka dhamaan la’ yahay cod u raadinta Xassan.

Madaxweyne Xassan waxa uu difaacay Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), waxa uuna wakiilada u sheegay inuu yahay shaqsi ka fog eeda loo soo jeediyay.

Madaxweyne Xassan waxa uu wakiilada ku qanciyay in Dhagey uu sii wato howshiisa waxa uuna ballanqaaday in waxyaabaha muranka keeni kara laga fogaan doono.

Wakiiladu waxa ay wali ku dhagan yihiin Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) oo eedeymihiisu yihiin kuwa buux dhaafiyay xarumaha wakiilada Beesha Caalamka.

Lama oga sida ay wakiiladu ka yeeli doonaan shaqsigaani lagu dhaliilsan yahay inuu isku rogay mid kamid ah cod u raadiyayaasha Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com