“Anigoo ka shaqeynaya nadaafada ayaa leyga eryay shaqsi kale ayaa qabiil loo kenay” (Caddaalad darrada DF)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Somalia kusii xoogeysanaaya qabiilka la qarameeyay waxa ayna tani ka dhextaagan tahay dhammaan xarumaha dowlada Dowlada Federaalka.

Qabyaalada ka dhex jirta xarumaha Dowlada ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay waxaana xusid mudan in qabiilka la qarameeyay uu saameyn ku yeeshay xitaa dumarka nadiifiya xarumaha dowlada.

Qadra Maxa’ed waxa ay kamid tahay dumarka ka shaqeeya nadaafada mid kamid ah xarumaha Dowlada waxa ayna sheegtay in laga eryay shaqadii ay heysay.

Waxa ay sheegtay in booskeeda laga shaqaaleysiiyay gabar kale oo ay isku heeb yihiin shaqsigii iyada eryay, waxa ayna nasiib darro ku sheegtay in is qabiileysiga uu gaaray heer xarumaha dowlada leysaga eryo qabiil.

”Waxaan nadaafada ka shaqeynaayay ku dhawaad seddex sano iyo bar shaqsigii maamulaayay dumarka nadaafada ayaa ii yeeray waxa uuna igu wargaliyay inaan shaqada banaanka ka ahay mana uusan ii sheegin sababta”

”Maalmo kadib ayaa waxaa la ii sheegay in booskii leyga eryay la geeyay gabar ay isku heeb yihiin shaqsiga i eryay waxa ayna sidoo kale ahaayen ilma adeer, nasiib daradu waxa ay tahay in qabyaaladu saameysay xitaa dumarka nadaafada”

Qadra Maxa’ed, waxa ay sheegtay in waxa ay Somalia la hagaagi la’ dahay ay tahay is qabiileysiga iyo shaqooyinka Dowlada oo noqday kuwo isku xiran oo aan kala maarmin.

Qadra Maxa’ed, waxa ay intaa ku dartay in xiliyada qaar ay dhaceyso in hal goob ay kawada shaqeeyaan ilaa toban ruux oo hal qabiil kasoo jeeda ilma adeerna ah.

Haddalka Qadra Maxa’ed ayaa imaanaya iyadoo shaqooyinka Dowladu ay noqotay ”yaa kugu qabiil ah” taa oo sabab u noqotay burburka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com