Puntland oo ka hortimid hadalkii dowlada Ethiopia sheegtayna in marnaba Gaalkacyo….

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa beeniyay in hishiis buuxa laga gaaray dagaaladii maalmahaan ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Hadal kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Puntland aya alagu sheegay in wali aan hishiis laga gaarin dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Puntland waxay sheegtay in nabada magaalada Gaalkacyo inaan xal looga gaari doonin meel ka baxsan magaalada, waxaana been abuur ay ku tilmaamay qoraalka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Ethiopia.

Cali cabdulaahi Warsame oo ah wasiirka deegaanka Puntland oo deegaan ahaan kasoo jeeda waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in wax hishiis ah uusan dhicin dhankoodana aysan saxiixin.

Wuxuu sheegay in marka hore ay doonayaan iney wadahadal dhab ah la galaan dhigooda Galmudug, iyada oo la eegayo xaaladaha ka jira magaalada Gaalkacyo.

Maalintii shalay ayaa qoraal kazoo baxay Dowlada Ethiopia waxaa lagu sheegay in hishiis la kala dhex dhigay maamulada Puntland iyo Galmudug

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com