Dowlada Ethiopia amaro cusub dul dhigtay Puntland & Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Dowlada Ethiopia ayaa shaacisay maalintii shalay iney hishiis kala dhex dhigtay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee maalmihii ugu dambeeyay ku dagaalamayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa shaacisay iney hishiis kala dhex dhigeen Galmudug iyo Puntland, kaasi oo ah iney joojiyaan dagaalada ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ethiopia ayaa sida qoraalkeeda ka muuqata waxay ku amartay Puntland iney joojiso dhismaha maxjarka laga dhisayo galbeedka magaalada, kaasi oo dagaalka uu ka bilowday.

Labada qeybood ee magaalada Gaalkacyo ee waqooyiga iyo Koofurta waxaa kala maamula Galmudug iyo Puntland, waxayna marar badan ku dagaalameen bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Ethiopia heshiiska ay sheegtay in ay kala dhex dhigtay maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana ka mid ah in la joojiyo colaada ,islamarkaana labada maamul ay ka shaqeeyaan sidii nabad buuxda looga hirgalin lahaa magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Ethiopia  ayaa sidoo kale maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqday in ka qeyb qaataan nabadeynta magaalada Gaalkacyo ,islamarkaana ay joojiyaan hadalada colaada abuuri kara ee ay warbaahinta isku marinaayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com