War farxad leh oo usoo yeeray Jen. Morgan iyo aqalka sare oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Maxamuud Cali Saciid (Guumbe), oo kamid aha xubnaha tartanka ugu jiray inay kamid noqdaan dadka Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia u matalaya Puntland, ayaa ku dhawaaqay inuu booskaasi iska casilay.

Guumbe, ayaa sababta is-casilaadiisa uga dhigay inuu saluug ka muujiyay sida madaxweyne Gaas u tartansiiyay xubnaha lasoo xulay ee ku jira liiska Aqalka Sare.

Wuxuu xusay in booskaasi kula tartamayo Gen. Moorgan oo beel ahaan aysan isku meel kasoo jeedin, wuxuuna carrabka dhuftay in qorshahan ku yimid kadib kulan ay isugu yimaadeen beeshiisa, sidaas darteed isku afgarteen inay ka haraan doorashada.

Maaha murashaxii ugu horeeyay ee booskaasi ka baxa, balse waxaa horay uga tagay Mahad Cabdalla Cawad oo xubintan kula jiray kaasoo sheegay inuusan soo doonan loollan ee uu raadinayay xubin sharafeed uu ka helo Puntland.

Waxaa sidoo kale is-casilay Yaasiin Cabdi Seed oo booskiisa lagu badalay qof dumar ah, kadib markii madaxweyne Gaas cadaadis lagu saaray inuu liiskan waafajiyo hishiiskii madasha gaar ahaan qoondada dumarka.

Is-casilaadda Guumbe ayaa dhabaha u xaareysa in si fudud loo doorto Jeneral Moorgan, maadaama aysan cidna la tartami doonin, haddii aysan wax is badalin.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com