Xog: Ganacsato dhaqaale ku taageeri lahaa CC Shakuur oo dib ugurasho sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ka war heshay kulan magaalada Muqdisho ku ganacato ku heyb ah murashaxa madaxweyne ee C/raxmaan C/shakuur, waxayna shirkooda ugu hadlayeen dalab iyo heshiis horay u dhex maray C/raxmaan C/shakuur iyo ganacsatadaas oo ku saabsanaa in lagu taageero qeyb ka mid ah dhaqaalaha ololahiisa doorasho.

Heshiis kal hore dhacay ayaa dhigayay in 20 bisha Oktoobar ay ganacsatada ku heybta ah C/raxmaan C/shakuur bixiyaan dhaqaale gaarayay 950,000 Dollar {Sagaal boqol iyo konton kun} si uu ugu adeegsado ololahiisa doorashada, isla markaana ay intaasi u noqoto kaashi maadaama uu ganacsatada u sheegay in uu haysto dhaqaale aan ku filneyn, uguna baahan yahay ganacsatada tolkiisa garab iyo taageero.

Lacagtaasi oo murashax C/raxmaan C/shakuur deyn ku ahaan laheyd haddii la siin lahaa ayaa hadda waxaa soo baxaya in ganacsatadaasi ay dib u gurasho sameeyeen, waxayna qiimeeyeen dhowr arrimood oo murashaxa soo wajahay, waxaana ka mid ah arrimahaasi.;

1-Rajadii uu ka qabay inay soo baxaan xubno isaga taageersan oo kusoo bixi lahaa doorashadii aqalka sare ee maamulka Galmudug oo intooda badan loo arko kuwo taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo doorashadii madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee Hirshabeelle oo niyad jabisay.

2-Inuusan heysan wax taageero ah oo maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle oo madaxweynaha la doortay uu aad ugu dhow yahay madaxweynaha Dowladda waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Sheekh.

3-Murashaxiin awood siyaasadeed leh oo soo baxay, kuwaasi ololahooda si dar dar leh uu ku socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com