Yaa noqday qofka ugu horeeyay ee ku guuleysta Kursiga Aqalka sare ee K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online)-Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa waxaa ka socda Doorashada xubnaha Musharaxiinta u taagan aqalka sare ee matalaya Koofur Galbeed.

Doorashada oo meel xasaasi ah mareysa ayaa waxaa iminka shaqsiga ugu horeeya ee ku guuleystay kursiga Aqalka sare noqday Cabdikaafi Macalin Xasan.

Musharaxaani lagu magacaabo Cabdikaafi Macalin ayaa ka adkaaday Musharax kale oo la taramayay, kaasoo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi Isaaq.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa Musharax Cabdikaafi Macalin Xasan siiyay 87 cod.

Sidoo kale, Musharaxa Cali Cabdullaahi Isaaq ayaa Xildhibaanada ka helay cod 42 ah.

Guud ahaan 16 xubnood ayaa ku loolameysa Xubinimada Aqalka Sare, waxaana dhammaan Xubnahaasi looga dhex baahan yahay inay kasoo dhex baxaan 8 xubnood oo Maamulka Koofur Galbeed u matali doona Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia.

Xubnaha kale ayaa ku loolamaaya kamid noqoshada Aqalka Sare, waxaa iyaguna la filayaa in qaarkood ay ku haraan is reereebka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com