27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog + Sawirro: DF oo iibineysa garoon kubada cagta oo caan ka ah Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya iibineyso garoon kubadeed caan ah oo ku yaal degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Garoonkaan oo lagu magacaabo Qoob-dooro ayaa waxaa uu jiraa in ka badan 40 sano oo lagu ciyaarayay kubada cagta, wuxuuna dhabarka danbe ka saaran yahay xarunta degmada Kaaraan.

Sida ay wararku sheegayaan, waxaa laga dhisi rabaa goob lagu xannaaneeyo digaaga, waxaana qorshahaan wada oo ku lug leh maamulka gobolka Banaadir oo doonayo inuu u gacan geliyo ganacsato gacan saar la leh dowladda.

Dowladdii dhexe ee Siyaad Barre ayaa dhulkaan ka dhigtay garoon ay dhalinyarada degmada leeyihiin isla markaaana ay ku qabsadaan tartamada, waxaana horay iskugu dayay burburkii kadib in dowladdihii danbe ay iibiyaan, hase ahaatee waxaa ka horyimid dadka deegaanka oo muujiyay in dhulkaan shaqsi gaar ah loo gacan gelin karin.

Dowladdii dhexe ee burburtay ayaa waxay ka kicisay oo lahaa nin caan ah oo lagu magacaabi jiray Diidi Kaba-laabte, waxayna dowladdu ugu badashay dhul kale.

qoob-dooroqoob-dooro-2

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News