25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

DFS oo mar kale Jawaab cajiib ah siisay maamulka Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa si adag uga jawaabtay war kasoo yeeray maamulka Puntland kaasi oo ku aadan in Ciidamada Dowlada ay ku jiraan Dagaalka ka socda Gaalkacyo.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Somalia C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Puntland ay ku qeyla dhaamiso waxa ay maankeeda ka maagtay waxa uuna si kulul u beeniyay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka qeyb qaadanayaan Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ka socda.

Diini waxa uu sheegay in Puntland ay mar waliba ku degdegto hadalada ku aadan dagaalka waxa uuna sheegay in hadalada qaar ay abuurayaan Colaado dhibaato laga dhexlaayo.

Diini ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka waajibaadkooda uu yahay sidii ay dalka u difaaci lahaayeen, balse aysan Ciidanka ku shaqo laheyn Beelo, iyo dad walaalo ah oo is diriray.

”Waa nasiib darro in Puntland ay ku dhaqaaqdo waxa uu carabka soo qabto waayo waxa ay mar waliba ku degdegtaa hadalada abuuri karo colada”

”Waxaan xaqiijinayaa in dagaalka ka socda Gaalkacyo uu yahay mid aysan qeyb ka aheyn Dowlada”

Haddalka kasoo yeeray Puntland ayuu sheegay inuu lamid yahay mid fadhi ku dirir ah, haba yaratee aysan jirin Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay dagaal beeleedka ka socoda Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, Wasiir Diini waxa uu ka digay in maamulada qaar ay dhaqan ka dhigtaan in mar waliba ay dhaawacaan sumcada ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News