Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo maamul Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ay ku dagaalamayaan deegaano duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dagaalkaasi ka hadlay Nabadoon Cabdulaahi Cali Faarax oo ka mid ah Odayaasha dega Baraxleey.
Nabadoonka ayaa sheegay in Puntland ay ku taameyso inay qabsato magaalada Gaalkacyo qeynaha xiga maamulka Galmudug balse aysan joojin doonin dagaalka inta Puntland ay ka laabaneyso go’aanka ay ku qaadatay sii wadista dagaalka.
Nabadoon Cabdulaahi Cali, waxa uu sheegay in daandaansida Puntland uu yahay mid muuqda balse uu dagaalka ahaan doona mid sii socon doona in maamulka C/wali Gaas uu ka aqoonsanaayo jiritaanka Galmudug.
”Uma dulqaadan doono dhibaatada ay nagu heyso Puntland, waayo waxa uu dagaalka u muuqanayaa mid ay Puntland ku dooneyso qabsashada Gaalkacyo haddii aanu nahay Odayaasha Galmudug taasi uma dulqaadan doono”
”Ma filaayo in dagaalka uu qaboobi doono inta Puntland ay ka yaseyso jiritaanka Galmudug maadaama ay Puntland diiday hakinta dagaalka anaguna ma joojin doono dagaalka”
”Waxaa adkaaneysa inaan mar kale horfadhiisano Puntland maxaa yeelay mar waliba iyadaa fashilisa wadahadalka”
Haddalka Nabadoon Cabdulaahi Cali ayaa muujinaaya in labada maamulka aysan u diyaarsaneyn hakinta colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

