25.6 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xog qarsooneyd oo laga helay xaaladda shaqaalaha DF iyo muddo lix bil ah oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Dowlada Somalia ay si rasmi ah u hakisay bixinta Mushaaraada Shaqaalaha Dowlada kuwooda isugu jira rayidka iyo Ciidamada.

Qorshahaani lagu hakiyay Mushaarka ayaa saameynaaya shaqaalaha sida gaarka ah ay dowlada usiiso Mushaarka, sababo la xiriira dhaqaalo yari soo foodsaartay Dowlada oo isku diyaarineyso doorasho, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada.

Shaqaalaha ayaan mushaarkooda qaadan muddo 6-bil ah, waxaana soo ifbaxaaya in mushaarkaasi ay bixinayeen Dowladaha caawiya Somalia, balse ay ku dhacayeen jeebka shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan Dowlada Somalia.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Wasaarada Maaliyada ayaa xaqiijiyay in Mushaaraadka Shaqaalaha Dowlada ay si toos ah usoo gaarto, balse uusan garaneynin sababta lacagtaasi aan loo gaarsiineynin shaqaalaha Dowlada ee naftooda ay halista ku jirto.

Sarkaalkaani oo sababo amni darteed u diiday isticmaalka Magaciisa ayaa xaqiijiyay in lacagahaasi loo wareejiyo Madaxtooyada Somalia sidaana 3 ilaa 6 bil kadib loo siiyo Shaqaalaha.

Waxa uu iminka qiray in muddo 6 bilood ah aysan bixin lacagihii ay siin jireen Wasaaradaha si loo sii gaarsiiyo Shaqaalaha Dowlada, sababtuna ay tahay mid la xiriirta Amarka Madaxtooyada Somalia.

Madaxweynaha Somalia, ayuu sheegay in amarkaasi uu faray Wasiirka Maaliyada sidaana uu Wasiirka ku dhaqan galiyay balse ka Saraakiil ahaan laga qariyay Sirta ka danbeysa in shaqaalaha Dowlada loo heshiiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Sargaalkaani ayaa imaanaya iyadoo aan shaqaalaha Dowlada muddo 6 bilood aan la siin xuquuqdii ay ku lahaayen Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News