26.7 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Fadeexad: Madaxweynaha Hirshabelle oo qayil iyo tamashleyn ku jira + Sawir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble iyo tirro mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa waxa ay qabatay kaamirada kadib markii ay kuwada kulmeen Qayilaad.

Madaxweynaha ayaa mudada uu Qayilka u fadhiyay dajinaayay Jadwalka Xukuumadiisa iyo Xubnaha kale ee maamulka uu yeelan doono.

Madaxweyne Cosoble, ayaa inta badan wakhtigiisa ku qaata Qayil iyo Baashaal markii laga reebo xiliyada uu la ballansan yahay Madaxweynaha Dowlada oo howl kawada dhexeyso.

Fadhiga Madaxweyne Cosoble iyo Saaxiibadiisa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiin kale oo dhinaca ka fadhiyay Cosoble, waxa uuna fadhigu ahaa laba qeyb oo is barbar soctay, balse waxa uu ujeedka sawirku ahaa Madaxweyne Cosoble.

Sidoo kale, Caasimada Online waxa ay heshay sawirro dhowr ah, oo laga qaaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo Dowlada oo qayil iyo tamashleyn u fadhiya, kuwaasi oo ka mashquulay shaqooyinka Qaranka oo aan idiin soo bandhigi doono dhawaan.

cosoble

- Advertisement -

Read more

Local News