Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xubin dheeraad ah oo sharci darro ah ku dartay Guddiga Doorashada heer maamul Goboleed ee Hirshabeelle.
Guddiyada Doorashada heer Gobol ayaa mid kasta ka kooban 11 xubnood, sida uu dhigayo heshiiskii ay gaareen madaxda Madashada Qaran ee dalka, waxaana 9 ka mida soo magacaabayay maamul Goboleedyada halka ay dowladda federaalka ay dhinaceeda soo magacaabeysay 2 xubnood.
Magacaabidda Guddigayada heer Gobol ayaa ku soo baxay wareegto uu soo saaray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, laakiin waxaa arrimahaas oo dhan sharci darro ku dhaqaaqay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo garab taabasho ka heysta madaxweyne Xasan Sheekh.
Guddiga Doorashada Heer Goboleed ee Hirshabeelle ayaa hadda tiradiisu noqotay 12 xubnood, waxaana xubinta dowladda Soomaaliya ku soo dartay lagu magacaabaa C/qaadir Cumar Kaatib oo ka soo jeeda beesha Sheekhaal – Reer Aw-xasan.
Ujeedka xubintan cusub loogu daray Guddiga Doorashada heer Gobol ee Hirshabeelle ayaa qeyb ka ah qorshe lagu doonayo in xubin Aqalka sare ah ay beeshan ka hesho Hirshabeelle, iyadoo aanay jirin degaan iyo degmo ay ku leedahay labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Damjadiid iyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa hore ugu fashilmay qorshe ay ku doonayeen in Beesha reer Aw-xasan ay ku hesho xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle, kadib markii ay si lama filaam ah ku soo baxday haweeney kasoo jeeda Beesha Ujeejeen, lagana guuleystay musharaxoodii. Fashilkan ayaa dhacay xilli ay magaalada Jowhar ku sugnaayeen kaadiriinta Damjadiid ee Beesha u ololeeya oo uu ka mid yahay xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.
Waxaa xusid mudan in Beesha Sheekhaal ay maamulka Galmudug ka weyday xubin Aqalka Sare ah taasoo keentay in odayaasha iyo siyaasiyiinta beeshaasi ay ku dhawaaqaan inay aqoonsiga kala noqodeen maamulkaasi, balse shaqeyn weyday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

