25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Xog: Qoysas calanka Daacish ka taagay guryahooda iyo kii Puntland oo dhulka la dhigay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in qoysaska qaar ee ku dhaqan magaaladaasi ay guryahooda ka taagteen Calanka astaanta u ah maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Xaafadaha qaar ayaa la sheegay in dhex bartankooda lagu arkayo calamo madow oo ka dul babanaaya, halka Calanka Dowlad Goboleedka Puntland laga siibay goobihii ay ku surnaayen.

Calamadaani oo la suray ka bixitaanka Daacish Magaalada Qardha kadib ayaa waxaa la rumeysan yahay inay sureen dhalinyaro aad u yaryar kuwaasi oo ay tashkiilisay Kooxda.

Kooxda ayaa saacadihii koobnaa oo ay heysteen magaalada Qandala saameyn ku yeeshay dadka deegaanka waxaana la sheegayaa in halkaasi ay ka diiwaan gishteen dhalinyaro farabadan oo shaqo la’aan ahaa.

Asbuucii la soo dhaafay ayaa Qandala waxaa qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsan tahay fallaagada Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Kooxdaan oo Soomaali u badan ayaa waxaa hoggaamiya Cabdulqadir Muumin.

Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa wacad ku maray inay dib ugala wareegi doonaan Qandala Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News