25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Yaa ka danbeeyay weerarkii mindiyaha ee lagu qaaday Safaarada Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kooban oo kasoo baxday Kooxda Daacish ayaa waxaa lagu sheegay inay lahaayen weerarkii lagu qaaday Safaarada Maraykanka ee Nairobi.

Daacish waxa ay sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ka dhex abaabuleen gudaha dalka Kenya, isla markaana uu ujeedkiisu ahaa in lagu dilo ilaa dhowr diblumaasiyiin.

Kooxdu waxa ay sheegtay in qasdiga ugu weyn ee weerarkaasi uu ahaa in dowlada Mareykanku ay tusaan in weerarka qoryo kaliya aan lagu geysan, balse ay jiraan taatikooyin kale.

Ruuxa falkaasi geystay oo ahaa Somali mindi ku hubeysnaa ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska kadib markii ay ku tilmaameen dambiile.

Ruuxaani oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somalia, ayaa waxa uu hadana wataa dhalasho Kenyan ah, waxa uuna deegaan ku ahaa isla dalka Kenya.

Maaha weerarkii ugu horeeyay oo ay maleeshiyaadka Daacish u adeegsadaan Mindiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News