Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Bososo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabul weerar oo ku wajahan magaalada Qandala.
Wararku waxa ay sheegayaan in magaalada Bososo ay ka baxeen gaadiid dagaal oo aad u farabadan kuwaasi oo doonaaya inay awood kula wareegan magaalada Qandala oo dhuumasho ay ku joogan Dagaalyahaano ka tirsan Daacishta Somalia.
Ciidamadaani ayaa la sheegayaa inay duulaan ku yihiin ilaa dhowr deegan oo la sheegay inay fariisimo ka dhigteen Daacishta Somalia.
Fariisimaha ay Daacishta Somalia ka sameysteen magaalada Qandala ayaa la sheegay inuu ku dhow yahay ilaa Lix fariisimo, halkaasi oo ay maleeshiyada ka difaacaneyso Qandala.
Dadkii kunoolaa magaalada Qandala ayaa ka barakacay , waxaana magaalada ku haray kooxo yar oo kaluumeysato ah iyo sidoo kale ciidankii taageersanaa kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.
Tuulooyinka u dhaxeeya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo sidoo kale degmada Qandala ayaa waxaa soo gaaray dad aad u badan kuwaa soo caruurtooda kala soo cararay kooxda la wareegtay Qandala.
Degmada Qandala ayaa waxaa dhawaan qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsanyihiin ururka Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

