Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay iney dagaal cusub la galayaan kooxaha burcad badeeda ee kusugan deegaanada Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay iney bilaabayaan dhawaan dagaal xoogan oo ka dhan ah burcadbadeeda dadka badan u afduuban yihiin.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in kooxaha burcadbadeeda ay dhibaateeyaan dadka ajaanibta ah ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.
Dhinaca kale waxaa saaka xaalad degenaan aan cabo buuran ku taagneyn laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Inkastoo xaalada degen tahay haddana waxaa jirta cabsi daran oo dadka deegaanka heysata maadaama ciidamada labada maamul wali isku horfadhiyaan galbeedka magaalada.
Dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sababay dhimashada dad badan iyo iney kumanaan ruux ku barakacaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

