28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Kenya oo Xabsi dhigtay mas’uul si aad ah kaga soo horjeeda dowlada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka magaalada magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa xabsiga dhigay Afhayeenka hogaamiyaha mucaaradka South Sudan Riek Machar.

Ciidamada amaanka ayaa mas’uulkaani kala baxay hooygiisa ku yaalla magaalada Nairobi, waxa ayna halkaasi uga tageen xubno kale oo ka tirsan garabka hogaamiyaha mucaaradka South Sudan oo aan ahmiyad loo arag.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Xisbiga mucaaradka SPLM-IO ayaa sheegay in mar qura la waayay James Gatdet Dak oo ah Afhayeenka la xiray.

Xariga Mr James Gatdet Dak, ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii uu Saxaafada u qeybiyay warqoraal ah oo uu ku taageeraya xil ka qaadisti Taliyaha Kenya ee UNMISS.

Dowlada Kenya ayaa laga yaabaa in Mr James Gatdet Dak, ay u gacan galiso Dowlada Selfa keyr oo isha la raaceyso dhammaan xubnaha la shaqeeya hogaamiyaha mucaaradka South Sudan Riek Machar.

Dowlada Kenya wali si rasmi ah uma aysan sheegin Sababta loo xiray afhayeenka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News