25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xasan Sheekh oo fariin u diray musharixiin go’aansaday in Muqdisho…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay warar hoose oo maalmahaan soo baxayay oo ku aadanaa in musharixiinta qaar amni daro darteed u imaan waayeen magaalada Muqdisho.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay amaan tahay lana xaqiijinayo amaanka musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ay si xor ah ku tagi karaan dhamaan musharixiinta tartamaysa, lana xaqiijin doono amaankooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay ineysan jirin musharax u baqay amnigiisa uu la xiriiray dowlada Soomaaliya, maadaama la sameeyay gudi ilaalinaya amaanka doorashooyinka sanadkaan.

“Xilka madaxweynenimada musharixiinta u tartamaya gobolada wey tagi karaan, wali ma heyno qof dowlada lasoo xiriiray oo dalbaday in amnigiisa la sugo, waxaa jiro gudi loo sameeyay iney ilaaliyaan amniga doorashada, walina nama soo gaarin musharax cabsi darted u imaan waayay”ayuu yiri Xasan.

“Musharixiinta iney amaan helaan waan ku shaqeynay waana ku shaqeyneynaa, waana la xaqiijinayaa amaanka musharixiinta sanadkaan tartamaya”

Waxaa maalmahaan soo baxayay in musharixiin miisaan culus ku leh doorashada sanadkaan cabsi amaan darteed u imaan waayeen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News