Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarumaha cod bixinta doorashada Mareykanka si toos ah uga bilowday doorashada, iyadoo Codbixiyayaasha ku nool xeebaha bari ee Maraykanka ay bilaabeen in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.
Labada musharrax ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa isu soo baxoodii ugu dambeeyay sameeyay saacadihii hore ee maanta oo ay doorashadu dhacayso.
Donald Trump ayaa u sheegay taageerayaashiisa in uu usoo bandhigayo fursad taariikhi ah oo uu ku bedelayo siyaasada Maraykanka, isla markaana uu kusoo celinayo daacadnimada dowladda dalkaasi.
Hillary Clinton ayaa waxyar ku horeysa ra’yi ururin laga qaaday qeyb ka mid ah codbixiyayaasha dalkaasi, waxaana ay sheegtay in Maraykanka uu hadda u baahan yahay isu soo dhaweyn, balse aanu rabin gidaaro lagu kala qeybiyo.
Clinton ayaa doorashada maanta ugu yeertay “Tijaabada waqtigeena”, halka Trump uu shaaca ka qaaday “Maanta waa maalinta xorriyadeena”.
Magaaladii ugu horreysay ee natiijada codbixinta ay kasoo baxdo oo ah Dixville Notch oo ka tirsan gobolka New Hampshire ayaa waxaa ku guuleystay Hillary Clinton oo heshay afar cod, halka Trump uu ka helay laba cod. Magaaladanayaa waxaa ku nool sideed qof kaliya.
Natiijada rasmiga ah ee codbixinta gobol kasta laguma dhawaaqi doono illaa dhammaan goobaha codbixinta ay kasoo xirmaan sideedda habeennimo, ayada oo gobollada bari ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya.
Hadalkeedii ugu dambeeyey oo ay ka jeedisay gobolka North Carolina ayaa Clinton waxa ay ku sheegtay inay dooneyso inay madaxweyne u noqoto qof kasta, kuwa u codeeyey iyo kuwa aan codka siin intaba.
Natiijada doorashadaasi ayaa la filayaa saacadaha hore ee Arbacada beri ah (8:00 subaxnimo SGA).


