25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Akhriso: Liiska magacyada Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee la doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Omline) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka dhacay doorasho aad u ballaaran taa oo ay ku loolamayeen Musharaxiinta Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madasha ay ka dhaceysay doorashada ayaa min bilow ilaa dhamaad waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan haba ugu badnaaden Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wakhtiga oo ciriiri ahaa aawgii ayaa waxaa maanta suuragashay in la doorto 7-Xildhibaan, halka qorshaha uu ahaa in la doorto ilaa iyo 8 xildhibaan oo Aqalka Hoose ah.

Musharaxiinta kusoo baxay loolankii adkaa ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MAGACYADA XILDHIBAANADA LA DOORTAY

1-Sheekh Maxamed C/laahi 51 cod.

2-Ibraahim Isxaaq Yarow 51 cod.

3-Fowsiyo Maxamed Sheekh 50 cod

4-Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 45 cod.

5-Daahir Cabdi C/laahi 28 cod.

6-C/wahaab Ugaas Khaliif

7-C/qaadir Shariif Xasan

Docda kale, waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah la dhameystiro xubnaha harsan.

Caasimada Omline
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News