24.4 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Xog: Xasan oo si xun ula dhaqmay CC iyo Carte oo ka dhex macaashay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu awoodii ka qaaday Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid.

Madaxweyne Xassan oo aad uga walaacsan ololaha Cumar C/rashiid, ayaa awood buuxda siiyay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.

Madaxweyne Xassan waxa uu Xafiiskiisa ku kulmiyay labada mas’uul waxa uuna Ra’isul wasaare Sharmaarke ku amray in howlaha Xafiiskiisa uu ku wareejiyo ku-xigeenkiisa waxa uuna sabab uga dhigay inuu ka mashquulay howlihii laga sugaayay isla markaana ku mashquulay danihiisa gaarka ah.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale, Maxamed Cumar Carte ka dalbaday in si hufan uu u guto howlihiisa shaqo, isagoo ku wargaliyay in mudada ka harsan doorashada dalka wax laga weydin doono shaqooyinkaasi.

Maxamed Cumar Carte, ayaa iminka si KMG ah u wada shaqooyinkii cuslaa ee uu qaban jiray Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid, waxaana sidoo kale socda loolan laga dhex dareemaayo Xafiisyada Dowlada kaasi oo u dhexeeya Sharmaarke iyo Carte

Geesta kale, Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa midba midka kale ku mashquulsan waxa ayna labaduba ku loolamayaan kursiga waxa ayna taasi keentay inay ka mashquulaan howlaha Qaranka.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News